Toogasho ka dhacday meel ku dhow Xarun Safaarad iyo Digniin lasoo saaray

Nin hubeysnaa ayaa lagu dilay meel u dhow safaaradda Faransiiska ee dalka Tanzania kadib markii uu labo askari ku dilay israsaaseyn halkaas ka dhacday.

Safaaradda Mareykanka ee Tansaaniya ayaa soo saartay digniin degdeg ah ka dib markii nin hubeysan lagu dilay agagaarka Buundada Salenda oo ka baxsan safaaradda Faransiiska ee dalkaas.

Ninkan oo ku hubeysnaa qori AK 47 ah, ayaa wuxuu taagnaa bannaanka hore ee Safaaradda, isaga oo u muuqday qof hagaya gaadiidka wadada maraya.

Si kastaba ha ahaatee, booliska ayaa heegan la galiyay. Illaa iyo hadda boolisku wax war ah kama aysan soo saarin dhacdadan dadka badan naxdinta gelisay.

Safaaradda ayaa waxay ugu baaqday muwaadiniinteeda inay taxaddar muujiyaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor