Toogasho dad lagu dilay oo ka dhacday meel ku dhow Buundo ku taalla Mareykanka

Waxaa dhowr daqiiqo ka hor lagu toogtay 3 qof meel u dhow buundada loo yaqaano Stone Arch Bride ee ku taalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Ciidanka Booliska oo weli ku sugan goobta dadka lagu toogtay ayaa sheegay in qof madaxa laga toogtay, dadka la toogtayna ay tiro ahaan yihiin 3 qof oo joogay meel u dhow buundada Stone.

Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay goobta dadka lagu toogtay ay ka heleen galka rasaas laga riday qori rifle ah.

Arrintan ayaa ah mid deg-deg ah oo weli socota. Booliska ayaa sheegay in ay hayaan macluumaad la xiriira baabuur la tuhunan yahay in ay ku carareen dadka ama qofka toogashadda geystay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor