Todobaadka Ololaha Caalamiga ah ee Waxbarashada 23-29 Abriil 2017 “Dhiirri-geli waxbarashada, waa waqtigii la gaarsiin lahaa!” (SAWIRRO)

Ururka wadanniga ah ee U-dooda Waxbarasho loo siman yahay Soomaliya  (Education For All Somalia – EFASOM) waxay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u direysaa hambalyo ku aadan munaasabadda Todobaadka Ololaha Caalamiga ah ee Waxbarashada 23-29 Abriil 2017.

Ololahan waa mid dunida oo dhan ka socda waxaa uu ujeedkiisu yahay si loo wacyigeliyo muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda  tayada waxbarashada. Halku-dhigga sanadkan wuxuu yahay “Dhiirri-geli waxbarashada, waa waqtigii la gaarsiin lahaa!”
Waxbarasho tayo leh waa furaha horumarka, amaanka, caafimaadka, iyo dhamaan 17ka hadaf ee horumarka dadka. Waxbarashadu waa nidaam barbaarineed oo u habaysan si ay u hagto bulshada. Waxa ay jihaysaa aayaha waddanka iyo dadka ku nool, waana hagaha ummadda oo la’aanteed aanay jiri karin nadaam, hormar iyo kaladambayn toona. Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare waa hay’adda kaliya ee rasmiga ah ee Soomaaliya u qaabilsan habaynta iyo socodsiinta siyaasadda waxbarashada dalka.

Somaaliya waxay leedahay dowlad Qaran sidaa darteed gobol iyo degmo waliba waxay xaq u leeyihiin iney helaan dugsiyadii sare ee farsamada iyo caafimaadka laga baran jiray oo lacag la’aan ah.

Ma jirto bulsho isbeddel iyo horumar gaarta haddii aqooni maqan tahay. Mana jirto bulsho hab nololeedkeeda sare u qaadi kartaa; haddii aanay aqoonta dadkeeda adeegsan. Dejinta siyaasada Waxbarashada ee Qaranku waa inuu noqdaa mid Soomaalidu leedahay oo ayaga ka yimaadaa. Waa in waxbarashada heer kastaba lagu sar-gooyaa baahida, dhibaatooyinka dalka iyo dadka u gaarka ah.

Waxaan ugu baaqeynaa dowlada Soomaaliyeed (Wasaaradda Waxbarashada), bahda waxbarashada iyo hayadaha caalamiga sida Ururka Xiriirka Waxbarashada Dunida (Global Partnership for Education).

  • Siyaasadda waxbarashada iyo manhajka Qaranku uu ugu talo galay bulshada soomaaliyeed waa in uu noqdaa mid qofka kobcinaayo islamarkaana manhajku uu nodaa mid ka tarjumaayo baahida Bulshada soomaaliyeed
  • Wasaaradda waxbarashada waxaa looga fadhiyaa in ay manhajka gaarsiiso dalka oo dhan
  • Wasaarada Waxbarashada waa in ay ka qeyb-qaadataa siyaasadda guud ee Caalamka ee ku wajahan Waxbarashada, gaar ahaan hadafka 4aad ee ah (Goal 4: Quality Education) ee qeybta ka ah 17ka hadaf ee joogteynta horumarinta dunida (Sustainable Development Goal), waxaana u baahan nahay inaan soo daboolno wixii aan ka gaari weyney ee Ahdaafta horumarineed ee dunida (Millennium Development Goals), gaar ahaan hadafkii 2aad ee ahaa in la helo waxbarshada asaasiga ah ee loo siman yahay (Goal 2: Achieve Universal Primary Education).
  • Wasaaradda waxbarashada waxaa laga rabaa shir kasta oo looga hadlaayo waxbarashada dalka in ay ka qeybgaliso khubaro soomaali ah oo takhasus u leh waxbarashada dalka iyo Bulshada rayidka qeybahooda kala duwan si loo helo waxbarasho tayo leh oo ka turjunto baahida dalka oo dhan
  • In miisaaniyada waxbarashada la kordhiyo sanad kasta lagana dhigo 10% ilaa 15%.
  • Waa in bahda waxbarashada iyo hay’adaha caalamiga sida Ururka Xiriirka Waxbarashada ee Caalimiga (Global Partnership for Education) ay ka taageeraan dadka soomaaliyeed sare-u-qaadida tayada Waxbarashada, iyo fulinta hadafka 4aad ee aan kor-kusoo xusnay.

 

Tayeynta Waxbarashada Dalka, waa in la helaa qeybaha soo socdo:-

  • Waa in la helaa Manhaj mideysan islamarkaana ku saleysan afka, dhaqanka iyo diinta
  • Waa in la helaa qorsho cad oo dhanka waxbarashada ah oo leh ujeeddo qaran.
  • In la tayeeyo waxbaarshada dalka islamarkaana la tababaro macalimiinta, lana furo machadka tababarka macalimiinta.
  • In la abuuro guddi kormeera tayada waxbarashada.
  • Waa in macallimiinta helaan mushaar ku filan oo dabooli karo baahidooda.
  • Waa in la helaa waxbarasho heer dugsi hoose, dhexe, sare ilaa heer jaamacadeed oo lacag la’aan ah.
  • In dib loo soo celiyo dugsiyada sare ee xirfadaha iyo farsamada gacanta, caafimaadka, iyo kuwa beeraha.
  • Waa in ay dadka qaba baahida gaarka ah sida dadka lixaadkoodu dhiman yahay oo u baahan Waxbarashada ay helaan waxbarasho lacag la’aan ah iyo agabkii ay wax ku baran lahaayeen. Waa in loo fududeeyaa sidii ay u qaadan lahaayeen manhajka dalka iyadoo aan la faquuqin. 

    Halkaan hoose ka Daawo Sawirrada:

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media