Somali ku nool Maraykanka oo shaqooyinkooda uga tegay cadaadiska xilliyadda  Salaadda.

Ku-dhawaad 70 Shaqaale  Soomaali ah oo u shaqeyn jirey Shirkadda ARIENS ee ku taalla magaalladda Madison  ee Gobalka Wisconsin ee dalka Maraykanka ayaa shaqadii isaga tegaay, kadib, markii ay  culays kala kulmeen fasaxa Xilliyadda Salaadda.

Tallaabadaasi ayaa timid, kadib, markii Madaxda Shirkadaasi bedeleen Fasaxii  xilliyadda shaqada ee Shaqaalaha la siin jirey fursad ay ku soo tukadaan.

Sharciga cusub oo ay Madaxda Shirkadda soo saareen Khamiistii la soo dhaafay ayaa lagu sheegay in Shaqaalaha Muslimiinta tukan karaan marka loo fasaxo xilliga Cuntada oo keliya, taasi oo ay Shaqaalaha ka soo horjeesteen go’aankaasi.

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay Madaxda Shirkadda ARIENS ayaa waxaa shaqaalaha laga codsaday inay xilliyadda ay  fasaxaq cuntada haystaan soo tukadaan, maadaama aysan Shirkaddu oggolaan karin fasaxa xilliyadda wax-soo-saarka.

Shirkadda waxay sheegtay inuu isbedelkaasi waxyeeleeyey  53 shaqaale oo 10 ka mid ah sheegeen inay oggol yihiin Sharciga cusub oo ay sii shaqeysan doonaan.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda ARIENS, oo lagu magacaabo Ibrahim Maxamed ayaa sheegay in ku-dhawaad 70 Shaqaale la siiyey Waraaqaha Ruqsadda, kadib, markii ay codsadeen shaqo-ka-tegista.

Dhinaca kale, Iimaamka Masjidka Green Bay, Xasan Cabdi oo wax laga weydiiyey Xalladda qabsatay Shaqaalahaasi ayaa  sheegay inaysan suurtogal ahayn Sharciga cusub ee Shirkadda ARIENA ee xaddaynta Xilliyadda Tukashada Salaadda.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan  is-waafaqsanayn xilliyadda la tukan karo Salaadda iyo xilliyadda Fasaxa cuntada ee la siiyey Shaqaalaha.

Dhowr toddobaad ka hor ayey ahayd, markii in ka badan 180 Shaqaale Somali oo ka shaqeyn jirey Wershad Farsamaysa Hilibka ka ruqseysteen Shaqada, kadib, markii ay Maamulka Wershadaasi ku soo rogeen Sharci ay ku xadideen Fasaxa Xilliyadda Salaadda.

ARIENS COMPANY

 

 

©Radio Dalsan                                       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor