Tobanka gabdhood ee ugu quruxda badan gabdhaha Madaxweynayaasha Afrika + Sawirro

Gabdhaha ay dhaleen Madaxweynayaasha xilligan ka taliya dalalka Afrika ayaa waxaa lagu sameeyey qiimeyn, iyadoo laga soo xulay tobanka ugu quruxda badan.

Waxyna kala yihiin:-

 

Kaalimaha Magaca Gabadha Madaxweynaha  dhalay
01 Bona Mugabe Robert Mugabe (Zimbabwe)
02 Sabel Dos Santos Jose Edwardo Do Santos (Angola)
03 Elizabeth Faith Johanthan Goodluck Jonatham (Nigeria)
04 Thuthukile Zuma Jacob Zuma (South Africa)
05 Sikhanyiso Dlamini King Mswati III (Swaziland)

 

06 Aya A/fatah Abdifatah Alsisi
07 Brenda Biya Paul Biya (Cameroun)
08 Ngina Kenyetta Uhuru Kenyatta (Kenya)
09 Malika Bongo Ondimba Ali Omar Bongo (Gabon)
10 Ange Kagame Paul Kigambe (Rwanda)

 

Xulashadda tobanka gabdhood ee ugu quruxda badan Madaxweynayaasha Afrika ayaa ah Xulis Cajiib ah oo ku soo jiidan karta.

Waana hubaal inuu qof kasta isweydiin karo halka ay gabdhaha Madaxweynaha dalkaaga kaga jiraan Qiimeyntaasi.

Bono Mungabe:- Waa gabar uu dhalay Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe. Wxaay ku faraxsan tahay guurkeeda. Marwadan quruxda badan waxay maalin kasta u muuqata waxa ay Soomaalida u taqaano Indho-u-roon.

Waxay ka qalin jebisay Jamaacadda City University ee Hong Kong, iyadoo baratay Cilmiga Xisaabaadka iyo Maaliyadda.

Waxay kaloo ka soo qalin jebisay Machadka Singapore Institute of Management.

Haatan waxay ka shaqeysaa Shirkadda Alpha & Omega Dairy oo xarun ku leh Degmadda Mazowe ee dalka Zimbabwe.

 

Sabel Dos Santos:- Waxaa dhalay Madaxweynaha dalka Angola, Jose Eduardo Dos Santos, Waa Maaliye (Investor).

Isabel waxaa lagu tiriyaa inay tahay Haweeneyda ugu taajirsan Qaaradda Afrika, sida lagu soo daabacay Wargeyska FORBES ee dabagalka ku sameeya Taajiriinta Caalamka.

Waxay leedahay kayd dhaqaale oo dhan $3.7 Billion oo Dollar).

Elizabeth Faith Jonathan:  Waa gabadh uu dhalay Madaxweynaha xilka ka sii degayo ee dalka Nigeria, Goodluck Jonathan.

Waa Marwo qurux badan oo aad u faraxsan.

Wararku waxay sheegaan inay tahay qof aad u shaqo badan.

Thuthukite Zuma:- Waa Madaxa Shaqaalaha ee Waxada Isgaarsiinta iyo Adeegga Boostadad ee dalka Koonfurta Afrika.

Waana gabadha ugu yar ee afarta gabdhood ee Madaxweyne Jocob Zuma u dhashay Xaaskiisa hore, Nkosazana Dlamini-Zuma oo haatan ah Guddoomiyaha Ururka Afrika.

Thuthukile Zuma waxaa loo aqoonsaday mid aad u qurux badan, tan iyo markii ay timiaha iska xiirtay.

Sikhanyiso Dlamini:- Waa gabadha ugu weyn 30-ka carruur ee uu dhalay  Boqorka dalka Swaziland, King Mswati III.

Hooyadeeda, Inkhosikati La Mbizkiza waa boqoradii ugu horreysay ee tobanka boqorad ee uu qabay Boqorka dalkaasi.

Aya Abdifatah:- Waa gabadha keliya ee uu dhalay Madaxweynaha haatan ka taliya dalka Masar, Abdifatah Alsisi.

Waa xaasle aad u jecel Siyaasadd.

Brenmda Biya:- Waa gabadha Madaxweynaha dalka Cameroon,  Paul Biya.

Waxa ay ku nooshahay caasimadda dalka Cameroon ee Yaounde.

Ngina Kenyatta:- Waxa dhalay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. Waxaana la sheegay inay quruxda ka dhaxashay Ayeeydeeda, Mama Ngina Kenyatta.

Wa Marwo Bulshaale ah, waxa inta badan la sheegaa inay qurux badan tahay, marka ay fagaarayaasha timaado.

Malika Bongo Ondimba:- Waa gabadha keliya ee uu dhalay Madaxweynaha dalka Gabon, Ali Bongo Ondimba.

Waa Dhaqdhaqaaqyahanad difaacda Xuquuqda Haweenka, waxayna  inta badan taageertaa Bulshadda, gaar ahaan Haweenka lagu tacadiyo.

Ange Kagame:- Waxaa dhalay Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kigambe, waana ilmihiisa labaaD. Waa Samafale ka qalin jebisay Smith’s College in Massachusetts ee dalka Maraykanka.

Waa 21 jir qurux badan oo Cilmiga Sayniska  iyo Takhasusyo kooban ee dhinaca Barashadda Afrika.

Akhristayaal, bal idinkana qiimeyn kale ku sameeya Aragti ahaan gabadhaja aad Kalaimaha 1-aad ilaa 5-aad siin lahayd.

Qiimeyntiina oo muhiim inoo ah, Fadlan noogu soo hagaajiya E-mailkan:  [email protected]

1. Princess Sikhanyiso Dlamini (Swaziland 3. Malika Bongo Ondimba (Gabon) 4. Ngina Kenyatta (Kenya) 5. Aya al-Sisi (Egypt) 6. Thuthukile Zuma (South Africa) 7. Brenda Biya (Cameroon) 8. Isabel Dos Santos (Angola) 9. Elizabeth Faith Sakwe (Nigeria) 10. Bona Mugabe (Zimbabwe) GABADHA PAUL KIGAMBE

Waxaa Turjumay:- Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor