Tobaneeyo qof oo ku geeriyootay dagaal dhex marayo Beelo ka soo jeeda Soomaalida-Kenya

Madaxa Ammaanka ee Gobalka Mandheera, ayaa sheegay in ugu yaraan 14 qof lagu dilay dagaal beeleed ka soo dhex cusboonaaday labo beelood oo wada deggan W/bari Kenya.

Kooxo aad u hubeysan ayaa la sheegay inay xalay weerareen Tuulladda Jeriko, halkaasi oo lagu dilay 9 qof.

Dhinaca kale, maalintii Talaadada ee la so odhaafay 5 qof oo isku qoys ah ayaa waxaa lagu dilay Tuulladda Wari Waalo oo 10-Km u jirta xuduudka Kenya la wadaagto Ethiopia.

Iska horimaadyadaasi oo socday labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaan waxaa la sheegay in lagu dilay dad u badnaa xoolo-dhaqato.

Dhinaca kale, Mas’uuliyiinta Mandheera ayaa sheegay inay hub-ka-dhigis ku samayn doonaan Maleeshiyo-beeleedyadda hubeysan ee ku sugan deegaanadda ay colaaduhu ka socdaan.
© Warqabadka Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor