Tobanaan qof oo ku geeriyootay Shil Tareen oo ka dhacay Mosko.

Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay inay dadkaasi ku dhaawacmeen kadib, markii ay is-herdiyeen Labo Tareen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in  Tareen  ka ambabaxay magaalladda Mosko, kuna sii jeeday magaalladda Brest ee dalka Belarusiya uu herdiyey Tareen kale oo doonayey inuu si degdeg u joojiyo, balse uu ku dhacay Tareenkii kale.

Ku-dhawaad 170 Shaqaalaha Gurmadka iyo kuwa Dab-damiska ayaa loo daad-gureeyey goobta uu shilku ka dhacay, waxaana la soo wada bixiyey Rakaabkii ku dhex xayirmay Labada Tareen.

Duqa magaalladda Mosko, Sergrey Sobyanin ayaa sheegay in 14 qof o orakaab ah la dhigay Isbitaalka, oo qaar ka mid ah xaalladooda aad u liidato.

©Radio Dalsan