Tobanaan qof oo ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay Maraykanka.

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyootay shilkaasi oo ka dhacay meel 130-KM dhanka Galbeed kaga toosan magaalladda San Antonio.

Afhayeenka Waaxda Ammaanka Dadweynaha ee Gobalka Texas, Conrad Hein ayaa sheegay inay isku dhaceen Bas laga lahaa Kaniisadda Texsas iyo gaari Xamuul oo dusha ka furan.

Boliska waxay sheegeen inay baarayaan shilkaasi, mana kala cadda waxa sababay shilkaasi oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 12-qof, kuna dhaawacmeen 3 kale.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media