Tiro dad ah oo loo qabtay dilka Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland

Kadib dilkii xlay Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug loogu geystay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland aya waxaa xalay halkaasi laga sameeyey howlgallo baaritaano ah.

Xildhibaanka oo lagu Magacabi jiray Cabdixakiin Macalin Daahir ayaa la toogtay xilli uu fadhiyey ka soo horjeeda Hotelka Clasic ee Waqooyiga Magalada gaalkacyo balse uu u geeriyooday dhaawac soo gaarey.

Ciidamo ka tirsan kuwa puntland ayaa xalay Gaalkacyo gaar ahaan aaga dilka uu ka dhacay waxa ay ka sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey dilka xildhibaan Cabdixakiin Macalin Daahir.

Saraakiil Sar sare ayaa Radio Dalsan waxa ay u sheegeen in howlgalkaas lagu qab qabtay dad lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilka Xildhibaanka ,kuwaas oo gaaraya ilaa 5 ,isla markaana haatan ay baaritaano ku hayaan.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilak xildhibaan Cabdixakiin Macalin Daahir oo ka mid ahaa Xildhibaanada Maamul Goboleedka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media