Tiradda Qaxootiga Soomaalida ee magangelyadda laga siinayo Maraykanka oo sii kordhayso

Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Ilaaladda ku haysa Dib-u-dejinta Qaxootiga  ee The Refugee Resettlement Watch (RRW) ayaa sheegtay ina in ka baadan 130,000 oo Qaxooti Soomaali ah dib-u-dejin loogu sameeyey dalka Maraykanka tan iyo sannadkii hore ilaa iyo bilowga sannadkan 2016-ka,

Tiradaasi kuma jiraan Soomaalida magangelyo-doonka iyo kuwa Tahriibayaasha ee sida sharci-darradda ku soo galay ama ku jooga dalka Maraykanka.

Hay’adda Kormeerta Dib-u-dejinta Qaxootiga   ee RRW waxay sheegtay inay 750 Qaxooti Soomaali ah bil kasta la keeno Maraykanka, si ay Nolol Dib-u-dejin ah uga bilaabanto dalkaasi.

Warbixinta Hay’adda RRW waxay sheegtay in Qaxootiga Soomaalida intooda badan Dib-u-dejin ka helaan 10-Gobal oo ka mid ah Maraykanka oo inta badan qaata Qaxooti badan.

Dhinaca kale, Hay’adda RRW waxay soo bandhigtay Shaxda Goballadda Maraykanka sida ay u qaateen Kumaanka kun ee Qaxootiga Soomaalida ee sannadkii hore ilaa bilowga sannadkan gaaray Maraykanka.

Waxayna Goballadda u kala qaateen Qaxootiga Soomaalida sidatan:

·        Gobalka Minnesota               563 qof

·        Gobalka New York                 410 qof

·        Gobalka Arizona                    301 qof

·        Gobalka Ogio                         292 qof

·        Gobalka Fenelfaniya            222 qof

·        Gobalka Washington           214 qof

·        Gobalka Misuuri                   204 qof

·        Golbalka Kaliforniya            176 qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor