Tiradda Askarta Uganda ee sannadkan uga geeriyootay Somalia oo la soo bandhigay.

Guutadda 14-aad ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ahaa Hawlgalka AMISOM ayaa dib ugu laabtay dalkooda hooyo, kadib, markii ay dhamaysteen Hawlgal Nabad-ilaalin ah oo ay muddo Hal sanno u joogeen Somalia.

UPDF 1

Guutaddaasi oo uu Taliye ka ahaa Sarreeye Guuto Sam Kavuma ayaa waxa lagu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Entebe ee duleedka Kampala.

Hadal ka soo baxay Taliska Guud ee Ciiddanka Uganda ayaa lagu sheegay inuu ciiddankaasi soo gaaray Khasaaro kooban, iyadoo muddadii halka sanno ee qeybta ka ahaayeen Hawlgalka AMISOM laga dilay 22-Askari oo keliya.

Afhayeenka Ciiddanka Uganda, G/sare Paddy Ankuna ayaa ammaanay Hawsha wanaagsan ee ay Ciiddankaasi soo qabteen

Dhinaca kale,  Tiradda Askarta Uganda kaga geeriyooday Somalia ee sannadkan ayaa waxay kor u dhaafayaan 70-Askari, iyadoo 50 ka mid ah lagu dilay weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishii September ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka AMISOM ku leeyihiin Deegaanka Jannaale ee Gobalka Sh/hoose.

updf casualties in somalia1

Alshabaab ayaa sheegtay inay weerarkaasi ku dileen in ka badan 50-Askari, inkastoo uu Madaxweynaha Uganda. Yoweri Museveni khasaaraha ku sheegay ilaa 13 Askari.

Ciiddanka Uganda waxaa haatan Somalia ka jooga in ka badan 6,000 oo Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM kula dagaalamayaan Xarakadda Alshabaab.

© Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor