Tirada Wariyayaasha u xiran Ahlusunna oo sii kordhay.

Ururka Suxufiyiinta Gobolada Galgaduud ee Dalka Soomaaliya Ayaa wax
laga xumaado ku tilmaamay Weerarka ay wali Ahlusuna ku hayso
Wariyayaasha ku Sugan deegaanada ay Maamulaan.

Ciidamada Culimaa’udiinka Ahlusunna ayaa sii kordhiyay weerarka aan
kala joogsiga lahayn ee ay ku hayaan wariyayaasha Ku sugan deegaanada
ay maamulaan.

Ciidmada ayaa mar kale saaka weerar ku galay gudaha Idaacada Codka
Bartamaha oo kamid ah idaacada Madaxa banana ee ku yaala Gudaha
magaalada dhuusamareeb waxaana ay ka wateen gudaha Idaacada
Agaasimihii idaacada Codka Bartamaha Nafiso Xirsi Maxamuud oo Wakeel
wareed u ahayd UniversalTV iyo Idaacada Ciidamada Qalabka sida ee
Dawlada.

Sidoo kale Ahlusuna ayaa Maalintii labaad haysata Shan Wariye oo ka
tirsanaa Wariyayaasha ka howlgala Magaalo Madaxda Gobolka Galgaduud ee
Dhuusamareeb.

Wariyayaasha Maalintii Labaaad gacanta Ahlusuna ku jira ayaa kala ah
Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo u shaqeeyay SNTV iyo Radio Muqdisho,
C/Jamaal Macalin Axmed oo ka tirsan wariyayaasha Radio Bar-kulan iyo
kalsanTV, C/laahi Warsame Rooble oo kamid ah shaqaalaha SomnewsTV iyo
Radio Kulimiye, Bashiir Maxamed Salaad oo u shaqeya Horn CableTV  iyo
Star Fm, iyo Laylo Nuur Cilmi oo ka Shaqeysa Idaacada Codka Bartamaha.

Guud ahaan tirada Wariyayaasha u xiran Ahlusuna ayaa gaaraya 6Lix
wariye oo labo kamid ah ay yihiin Gabdho,

Dhinaca kale Wariyayaashii horey ugu xirnaa Ahlusuna ayaa laga bixiyay
xabsiga Dhuusamareeb hamiinimadii xalay waxaana la shoogayaa in loo
warejiyay saldhiga Degmada Guriceel.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor