Tirada Qaxootiga Soomaaliyeed ee iskooda ugu soo laabanaya dalka oo sii kordhaya

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay inay 72,000 oo qof oo Somali ah iskooda ugu soo laabteen dalkooda hooyo, tan iyo markii uu bilowday Dib-u-celinta aan khasabka ahayn bishii December 8-dii ee sannadkii 2014-kii.

70,202 ka mid ah Qaxootigaasi waxay ka soo baxeen Xeradda Dhadhaab ee W/bari Kenya, halka 1,899 kalena ka yimaadeen Xeradda Kakuma oo ku taalla W/galbeed Kenya iyo kuwo ku sugnaa magaalladda Nairobi.

UNHCR waxay kaloo sheegtay inay haatan is-diiwaan geliyeen 17.478 Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo doonaya inay si iskooda ah ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Dhinaca kale, 1,447 Qaxooti ayaa laga taageeray bishii hore si ay ugu soo laabtaan Somalia, kuwaasi oo Duullimaadyo Diyaarado ah lagu keenay magaallooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

Soomaalida ku barakacday dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalka waxaa lagu qiyaasaa 2 million oo qof, kuwaasi oo 900,000 oo ka mid ah Qaxooti ku yihiin dalalka deriska

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media