Tirada Dagalalamayaasha Shisheeyaha ee ku soo biirayo Alshabaab oo hoos u dhacday

Dr. Erroll G. Southers  oo ah Khabiir Maraykan, kuna takhasustay Arrimaha Ammaanka ayaa sheegay inay Dagaalamayaal badan oo u dhashay Europe ay ku biireen Kooxda Daacish, kadib, markii ay Kooxdaasi kordhiyeen Istaraatijiyadda Borobogaandada ay ku baahiyaan Warbaahinta Bulshadda.

USC director Frank Quimbao and Dr Error Southers former FBI special agent addressing foregn journalists on Wednesday.Photo/CALVIN ONSARIGOKhabiirka oo ay isaga iyo Frank Quimbao shalay Suxufiyiin Shisheeye ah  kula hadlay Jaamacadda Southern California waxa uu tilmaamay inay Alshabaab la soo deristay Dhaqaalaha oo hoos uga dhacay iyo Kala-qeybsanaan soo wajahday, kadib, markii ay Dagaalyahanno badan u weecdeen, kuna biireen Kooxda Daacish, waa sida uu hadalka u yiri.

“Annaga ma helaynyo Shisheeye halkan ka baxayo si ay ugu biiraan Alshabaab, iyadoo ay u dhowdahay in la wada joojiyey. Mid ka mid ah Garabyadda Alshabaab waxay u wareegeen Daacish” ayuu yiri Khabiirka oo intaasi ku daray inuu filayo inuu dagaal ka dhex qarxi doono Kooxda dhexeeda.

Dr. Erroll G. Southers  oo ka tirsanaan jirey Waaxda Dembi-baarista Federalka Maraykanka (FBI) ayaa sheegay inay Alshabaab dileen qaar ka mid ah Dagaalamayaashooda oo doonayey inay ku biiraan Kooxda Daacish.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay maalmo kadib, markii ay Kooxda Daacish sheegatay inay Somalia ka fuliyeen qarixii ugu horreeyey oo ay la beegsadeen Gaari Gaashaaman oo ay AMISOM leeyihiin oo marayey Deegaanka Taree Dishe ee duleedka Muqdisho.

Afhayeenka AMISOM ayaa beeniyey inay Daacish ka dambeeyeen qaraxaasi, wuxuuna xusay inay Alshabaab mas’uul ka yihiin qaraxa lala eegtay Gaariga AMISOM.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor