Tirada dad ku hoobtay Dhul-gariir ka dhacay Haiti oo sii korortay

Ugu yaraan 304 qof ayaa geeriyootay, kadib, markii uu dhul-gariir halbeegiisu ahaa 7.2 Rektar Iskeel ku habsaday K/Galbeed ee dalkaasi.

Madaxa Hay’adda Badbaadada Rayidka ee dalkaasi, Jerry Chandler ayaa sheegay in la xqiijiyey inay 304 qof ku geeriyootay dhul-gariirkaasi, halka ay ugu yaraan 1,800 oo kalena ku dhaawcmeen.

Mas’uulkaasi oo xalay la hadlay Suxufiyiinta waxa uu tilmaamay inay 160 dhimasho laga soo weriyey Waaxda Koonfureed ee Haiti, 42 dhimasho oo ka dhacday Nippes, 100 dhimasho kale oo ka dhacday Grand Anse iyo 2 ku dhimatay W/Galbeed ee dalkaasi.

Dhinaca kale, Dhul-gariir sanadkii 2010-kii ka dhacay dalkasi ayaa waxaa ku dhintay dad tiradood lagu qiyaasay 200,000 oo qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor