Theresa May oo sheegtay inaysan Donald Trump kala hadli doonin Xuquuqda Haweenka

 

Ra’isul-wasaarada Britain, Theresa May ayaa maanta sheegtay inaysan ka cabsan doonin inay Donald Trump u sheegto haddii ay ku aragto wax aan la oggolaan karin.

Theresa May iyo Donald Trump ayaa la filayaa inay Jimcaha soo socda Kulan ku yeeshaan Aqalka Cad ee magaalladda Washington.

Theresa May oo ah Ra’isul-wasaarihii Labaad oo qumr ah ayaa hadalkaasi sheegtay, kadib, markii ay Kumanaan Haween shalay dibadbax socod leh ka dhigeen  London, kaasi oo qeyb ka ahaa Dibadbaxyadda ay Haweenka ka dhigeen inta badan dalalka Europe, Asia, Afrika iyo Latin America.

“Waxaan horey u sheegay in qaar ka mid ah hadaladda Donald Trump ka shegay xiriirkiisa haweenka yihiin kuwo aan la aqbali karin” ayey tiri Theresa May oo la hadashay BBC-da.

Waxayna intaasi ku dartay marka ay la fariisato Trump inay u malaynayso inay kala hadli doonto arrimaha la xiriira Doorka Haweenka, oo ay xustay in ay xaqiiqo tahay waxa ay ku noqotay Ra’isul-wasaare tahay kaalinta Haweenimo.

Dhinaca kale, boqolaal kun oo qof ayaa shalay buux dhaafiyey caasimadda dalka Maraykanka ee Washington, iyadoo dhigay dibadbax ka ddhan Madaxweyne Donald Trump hal maalin kadib markii uu xilka qabtay.

Haween iyo rag da’ kasta leh ayaana qabsdaay Waddooyinka Washingon DC, wuxuuna dibadbaxooda ku salaysnaa Xuquuqda Haweenka, Taranka iyo Socdaalka.

Dibadbaxayaasha waxay wateen Boorar ay ku qoran yihiin Hal-ku-dhegyo ay ka mid haayeen: “Xuquuda Haweenka waa Xuquuqda Dadka”, Jebi Derbiyada, oo ha dhisin Derbiyo”.

Sophie Walker oo madax ka ah Xibsiga Sinnaanta Haweenka ayaa u sheegtay Aljazeera inay Dibadbaxyaasha isugu yimaadeen si ay u muujiyaan Midnimo.

Waxay intaasi ku dartay inay ka soo hor jeedaan Nacayb iyo Kal-qeybinta oo ay xustay inuu Donald Trump ka dhiganayo Siyaasad.

In ka badan 500,000 o oqof ayaa qabsaday Waddooyinka magaalladda Los Anmgeles, sida ay sheegeen Boliska halkaasi joogay,

Tiro la mid ah taasi ayaa waxay iyagana isugu soo urureen New York, halka kuwo kalena ka dhigeen Dibadaxyo magaallooyinka Chicago, Dallas, San Francisco, Denver, St Louis iyo meelo kale.

Halkan ka akhriso  tirada Dibadbaxayaasha ka qeyb galay Dibadbixii shalay ka dhacay  magaallooyinka Maraykanka.

Washington DC: 500,000

LA: 200,000-750,000

New York: 200,000-500,000

Chicago: 250,000

Boston: 250,000

Denver: 200,000

Oakland: 60,000

Madison: 100,000

Atlanta: 60,000

St. Paul: 60,000

Philadelphia: 50,000

Pittsburgh: 20,000

Nashville: 20,000

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor