Telefishin: Qaxooti Somali  ku nool Sweden oo weerartay Koox Suxufiyiin ah.

Barnaamijka 60 minutes (60-ka daqiiqo) ee Telefishinka Channel 9 ee dalka Australia waxa uu markii ugu horreysay xalay baahiyeen Muuqaalka weerar Suxufiyiin ka tirsan Telefishinka ku qabsaday dalka Sweden, xilli ay Warbixin Telefishin ka diyaarinayeen Xaalladda ay ku nool yihiin Qaxootiga ku nool dalka Sweden.

Suxufiyiinta waxaa bishiI hore ee Feberaayo 29-dii la weeraray   iyagoo ku sii jeeday Degmadda Rinkeby  oo ku taalla caasimadda dalka Sweden ee Stockholm,, si ay Warbixin Telefishin uga soo diyaariyaan Qaxootiga Afrikaanka ku nool Sweden.

Waxay rabshado kala kulmeen Deegaanka Rinkeby oo lagu naanayso  “Little Mogadisho” ama Muqdisho Yareey, iyadoo ku-dhawaad 90% dadka halkaasi deggan yimid kuwa asal ahaan ka so ojeeda Muhaajiriin oo badankooda ka yimid Somalia.

Markii ay Suxufiyiinta galeen Suuq ku yaalla Rinkbey waxay la kulmeen dad saaxiibo oo oggolaaday inay hor tagaan Kameeradda si Wareysi loola yeesho.

Laakiin, markii ay Boliska isaga tageen Deegaankaasi, waxaa soo korodhay tirada Muhaajiriintii, kuwaasi oo isku bedelay kuwo aan saaxiib noqon karin.

Rag wejiga u hagoogam yahay ayaa bilaabay inay weeraraan Suxufiyiinta, kadib, markii dhagax lagu dhuftay Sawir-qaadihii.

Isla nin dhagaxa soo tuuray waxa uu feer iyo laad la dhacay mid ka mid ah Suxufiyiinta, iyadoo la sheegay in ilig laga jebiyey mid ka mid ah Suxufiyiinta.

Muuqaalka uu  baahiyey Telefishinka Channel 9 ee dalka Australia waxaa laga arkay Nin labaad oo wejiga u daboolan yahay oo doonayey inuu qaato Kameero weli wax duubaysay.

Saxafiyad  Liz Hayes iyo shaqaalaha ka tirsan Telefishinka Channel 9 Australia ayaa waxa ugu dambeyntii u soo gurmaday Boliska, oo xaalladda dejiyey.

Dhowr qof oo Soomaali ah ayey Boliska qabteen, iyadoo Kooxda Suxufiyiinta loo oggolaaday inay hawsheeda sii wataan, iyadoo ay Boliska ilaalo ka yihiin.

Mid ka mid ah Soomaalida deggan Rinkeby ayaa codkiisa laga maqlayey Telefishinka, isagoo Kooxda Suxufiyiinta weydiinayso sababaha ay Filimka uga duubayaan.

Warbixinta ay Saxafiyad  Liz Hayes ka diyaarisay goobtaasi ayyey ku sheegtay in horey loogu sheegay inay Sweden ku yaallaan 55 goobood oo lagu tilmaamay inay yihiin Deegaano aan la tegi karin “no-go” zones, sababo la xiriira Muhaajiriinta Muslimiinta ee goobahaasi ku xooggan.

australia tv 2 AUSTRALIA TV 3 AUSTRALIA TV2 AUSTRALIA TV

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor