Maareeye “Dowladda Federaalka waxey ammaaneysaa isla markaasna dhiirigelineysaa shacabka deegaannada Gobollada Dhexe oo u istaagay aayahooda.”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlayey nidaamka Maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo la filayo maanta oo ay taariikhdu tahay 4ta July 2015 in doorashada Madaxweynaha GalMudug ay qabsoonto, ayuu yiri “Dowladda Federaalka waxey ammaaneysaa isla markaasna dhiirigelineysaa shacabka deegaannada Gobollada Dhexe oo u istaagay aayahooda.”

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in dadaalka dadka deegaanka ee Gobollada Dhexe oo ay aayahooda uga tashanayaan uu mudan yahay ammaan iyo dhiirigelin, bacdamaa ay ku guuleysteen in Madax Dhaqameedka ay soo xulaan xubnaha Baarlamaanka GalMudug kaas oo ku yimid, isu Samir, isu dulqaadasho, is faham iyo is qancin. Dowladda Federaalka waxey aad ugu faraxsantahay sida ay dadka deegaanka ula shaqeeyeen Dowladda Federaalka iyo dhammaan qeybaha bulshada ee deegaanada Gobollada Dhexe.

Ujeedada hirgelinta nidaamka Federaalka ayaa ah in maamulka Dowliga ah la gaarsiiyo heer gobol, heer degmo iyo heer tuulo si dadka deegaanka loo siiyo fursad ay aayahooda uga tashadaan. Dowladda Federaalku waxey soo dhoweyneysaa, dhiirigelineysaa, isla markaasna ammaaneysaa sida uu u qabsoomay shirka maamul u sameynta GalMudug. Dowladda Federaalku waxey ugu baaqeysaa dhammaan shacabka deegaanka Gobollada Dhexe inay si buuxda u taageeraan maamulka cusub oo shaqsi walba oo ku guuleysta xilka Madaxweynenimana ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan.

Wasiir Maareeye ayaa yiri “Mudadii uu socday shirka maamul u sameynta waxaa xusid mudan sida ay u dhaqmeen Baarlamaanka, Madax Dhaqameedka iyo dhammaan qeybaha bulshada kuwaas oo suurtogeliyey in shirka uu noqdo mid guuleysta. Maamulka Ximin iyo Xeeb oo martigeliyey shirkana waxey ku ammaanan yihiin doorka muhiimka oo ay ka qaateen si uu shirka u guuleysto.

“Sidoo kale waxaa aammaan mudan sida shaqsiyaadkii isu soo sharaxay xilalka Madaxtinimada GalMudug ay u dhaqmeen oo runtii la oran karo waa hab iyo nidaam dimoqraadiyad ku dhisan oo la is dhageystay, la wada hadlay, la dooday, la isu samray, oo danta guud marwalba ay ka eegayeen. Waxaan rajeyneynaa in tartanka berri oo ah 4ta July uu noqdo mid si hagaagsan u dhaca oo shaqsi walba uu ogaado inuu yahay mid guuleystay, bacdamaa dhammaan musharaxiinta ay doonayeen inay u adeegaan dadka deegaanka, isla markaasna cidii ku guuleysata ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan.”
DHAMAAD

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor