Tartamihii ugu da’da yaraa Soomaaliya oo ka qeyb galayo Musaabaqada Qur’aanka Kariimka ee Kacbadda Barakaysan

Musaabaqadda Akhrinta Qur’aanka Kariimka ee Boqor C/casiis Ala-sacuud, Doorka 37-aad ayaa waxay ka socotaa gudaha Kacbadda Barakaysan ee Maka Al-mukarama.

Musaabaqadaasi waxaa ka qeyb galayo Tartamayaal ka kala socda dalalka Islaamka, iyadoo Tartamayaasha ka socda dalkeenna hooyo uu ka mid yahay tartamaha ugu da’da yar ee ka qeyb qaadanayo Musaabaqadaasi.

C/samad Bin Omar Maxamed waa 8-jir, Xaafidul-qur’aan ah, Maasha Allaah, kaasi oo uu Rabbi u sahlay inuu xafido Qur’aanka, iyadoo Guddiga Tartankaasi sheegeen inuu yahay Wiil Cod Macaan ku akhriya Qur’aanka.

Wargeyska Alriyadh ee ka soo baxa Caasimadda Sacuudiga ayaa soo bandhigay Muuqaalka iyo Warbixin ku aadan Wiilkaa Da’da Yar ee Xaafidul-qur’aanka, C/samad Bin Omar Maxamed.

Waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka qeyb galo Tartankaasi iyo inuu booqasho ku yimaado Kacbadda Barakaysan, oo uu tilmaamay inay tahay markii ugu horreysay ee uu booqasho ku yimaado magaalladda Barakaysan ee Maka Al-mukarama.

Waxa uu u mahadceliyey Macallinkiisa ku soo tarbiyeeyey inuu xifdiyo Qur’aanka Kariimka.

Mas’uulka wehliya Ardaygaasi ayaa sheegay inuu C/samad maalin kasta xafido 10-Jus, isla markaana uu hore uga  qeyb galay Tartamo Qur’aan Akhris oo ka dhacay gudaha dalka Somalia, isagoo Kaalimaha Hore ka galay Tartamadaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor