Tariibayaal Soomaali ku sii jeeday Maraykanka oo lagu qabtay dalka Costa Rica ee Waqooyiga Amerika

Sida ay ku soo warantay Wakaalladda Wararka Costa Rica ee ICR NEWS, waxay Saraakiisha Xoojinta Sharciga ee dalkaasi gacanta ku dhigeen 51 Tahriibayaal shisheeye ah, kuwaasi oo si sharci-darro ah ku soo galay dalkaasi.

Tahriibayaasha ayaa la qabtay xilli ay la socdeen gaari xamuul oo marayey Buundada  Caña Blanca ee Degmadda Jaco abaarihii 03:00 aroornimo ee maalintii shalay  oo Arbaco ahayd.

costa rica 2Maamulayaasha waxay sheegeen in Tahriibayaasha la qabtay kala ahaayeen 9 Somali ah, 4 Eritrean, 26 u dhalatay dalka Nepal, 9 Bangaladesh, 1 Iraqi iyo 1 Pakistani, kuwaasi oo aan haba yaraatee haysanin wax Aqoonsi ah.

Tahriibayaasha waxaa kaloo lala qabtay 3 nin oo u dhalatay dalka Costa Rica, kuwaasi oo ahaa Mukhalisiin hagayey Tahriibayaasha.

Shabakadda Wararka ee ticotimes.net ee dalkaasi ayaa qortay in Tahriibayaasha  ayaa loo gudbiyey Xafiiska Gobalka ee Maamulka Socdaalka, waxaana Tahriibayaasha lagu wadaa in la soo taago Maxkamad.

Haddii lagu helo Dembigaasi, waxa uu Tahriibe kasta muteysan doonaa xabsi u dhexeeya 2 sanno ilaa 4 sanno, sida uu qorayo Qoddobka 249-aad ee Sharciga Socdaalka ee dalka Costa Rica.

Mukhalasiinta waxay dalalka Bartamaha America u adeegsadaan dhabaha ay ka gudbiyaan Tahriibayaasha ku sii jeeda dalka Maraykanka.

Dhinaca kale, Maamulayaasha dalka Costa Rica waxay bishan December 7-dii gacanta ku dhigeen 17 Tahriibayaal u kala dhalatay Nepal iyo Bangaladesh, kuwaasi oo aan wax Dukumeenti ah wadanin.

Xigasho: ICR NEWS iyo ticotimes.net

©Radio Dalsan