Tanzania iyo Mosambique oo iska kaashanayo La-dagaalanka Burcad-baddeeda Soomaalida.

Shidaalka laga helay Xeebaha dalalka Tanzania iyo Mosambique ayaa waxa uu horseeday inay aad isugu soo dhawaadaan Labada Dowladood, kuwaasi oo ballan qaaday inay si wadajir ah uga wada shaqeyn doonaan Horumarinta Iskaashigaas.
Madaxweynaha dalka Tanzania, Jakaya Mrisho Kikwete ayaa sheegay inay Labada Dowladood iska kaashan doonaan Ammaanka Kheyraadka Badda iyo Shirkadaha sahminta Shidaalka ka wada Xeebaha Tanzania iyo Mosambique.
Xeebta Tanzania ayaa la rumeysan yahay inay ku jiraan Kayd Gaaska Dabiiciga oo lagu qiyaasay 55 trillion cubic feet.
Dhinaca kale, Sarkaalka dhinaxa Xiriirka Dadweynaha ugu qaabilsan Shirkadda Horumarinta Shidaalka Tanzania, Mr Sebastian Shana ayaa sheegay in Sahminta Kaydadka Gaaska Dabiiciga inay keentay inay Dowladda Tanzania dib u eegto Jadwalka Shaqo ee Mustaqbalka lagu sahminayo Kaydadka Kheyraadka ee Badda.
Waxa uu tilmaamay in cabsida iyo caqabada ugu weyn tahay iyadoo ay kordhayaan Falalka Burcad-baddeeda Soomaalida kaga hawlgalaan Badda Fog ee Xeebaha Tanzania.
Waxa uu tilmaamay inay Shirkadaha Sahminta ay Malaayiin Dollar ku kharaj gareeyaan dhinaca Ilaalinta Ammaankooda, iyadoo ay Shirkad kasta ku bixiso lacag dhan 5 million oo Dollar bishiiba.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor