Tanzania iyo Kenya oo u midoobayo La-dagaalanka Alshabaab iyo Kooxaha kale

Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Kenya, William Ruto iyo Danjiraha Tanzania ee Kenya ee uu xilligeeda Safiirnimo dhamaaday, Batilda Buriyaan ayaa kulan ku yeeshay magaalladda Nairobi, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo La-dagaalanka Alshabaab.

Batilda Buriyaan waxay sheegay inay Dowladda Tanzania si dhow kala shaqeyn doonto Kenya sidii looga hortegi lahaa waxa ay ugu yeertay Kooxaha Argagixisadda iyo Dhaqdhaqaaqyadda Dembiyadad kale.

Waxay sheegtay in xag-jirnimadda Dhallinyarradda u sabab tahay inay sii kordhaan falalka argagixisadda oo ay sheegtay inay khatar ku hayaan Horumarka dalalka Bariga Afrika.

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto waxa uu ku baaqay inay Dowladaha Bariga Afrika iska kaashadaan sidii looga guuleysan lahaa falalka Argagixisadda, si loo gaaro horumar iyo nabad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor