Talyaaniga oo sheegay inay Malaayiin EURO ugu deeqeen Dib-u-dhiska Somalia.

Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga, Matteo Renzi ayaa ku dhawaaqay inay Dowladda Federalka Somalia siinayaan Taageero Dhaqaale oo dhan 286 million oo Euro, si loogu adeegsado Dib-u-dhiska Somalia.

Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga waxa uu Yaboohaasi kaga dhawaaqay Shir Caalami ah oo lagu qabtay caasimadda Talyaaniga ee Rome, oo looga hadlayey Ganacsiga iyo Dib-u-dhiska Somalia.

Matteo Renzi waxa uu tilmaamay in Kaalmadaasi lagu maalgelin doono Mashaariicda Horumarinta Ganacsiga, Beeraha, Kaabayaasha Dhqaalaha iyo Dib-u-dhiska Waddooyinka.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Dowladda Federalka Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu ka mahadceliyey Taageeradda ay Dowladda Talyaaniga la garab taagan yihiin Dowladda Somalia, isagoo xusay inaysan illaabi karin Taageeradaasi.

Dhinaca kale, Shirweynihii Ganacsiga iyo Dib-u-dhiska Somalia ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalladda Rome.

Ilaa 300 oo qof oo ka kala socday Labada Dowladood iyo Ganacsato ayaa ka qeyb galay Kulankaasi ooh al maalin socday, waxayna Madaxda iyo Ergooyinka ka qeyb galay Shirkaasi so odhaweeyeen Qorshaha Dowladda Talyaaniga ee ay kaalinta kaga qaadanayso Horumarinta Ganacsiga iyo Dib-u-dhiska Somalia.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor