Talyaaniga oo marti-gelinayo Shirweyne Caalami oo looga hadlayo Maalgashiga Ganacsiga Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga, Paolo Gentiloni ayaa faahfaahiyey Kaalinta Dowladiisa kaga jirto Dadaalka Beesha Caalamka ee  Xal-u-helista Arrimaha Somalia.

Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa ka soo xigatay Wasiirka inuu tilmaamay inay Dowladda Talyaaniga taageeraan Ciiddanka Ammaanka Somalia,  isla markaana iyagoo kaashanayo Ururka Midowga Europe inay Tababar joogto ah siiyaan, isla markaana qalabeeyaan Boliska Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga, Paolo Gentiloni waxa uu tilmaamay inay Somalia sannadkan u qoondeeyeen ku-dhawaad 20 million oo Euro, iyadoo 14 million oo ka mid ah Lacagahaasi loogu talagalay Hawlaha Horumarinta, halka 6 million oo Euro loogu talagalay Kaalmooyinka Samafalka Aadminimo.

Dhinaca kale, Wasiirka waxa uu sheegay in Dadaalkooda ku aadan Nabadda Somalia ay diiradda ku saarayaan Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshadda iyo Dowlad-wanaagga.

Waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in ay bisha soo soocta marti-gelin doonaan Shirweyne Calaami oo looga hadlayo Ganacsiga Somalia (A business forum on Somalia), kaasi oo lagu qaban doono caasimadda dalka Talyaaniga.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor