Talyaaniga oo Maamulka K/galbeed ugu deeqay Warbaahin ku hadasha Afka maamulkaasi

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ka tirsan Maamulka K/galbeed Somalia wafdi ka socda Maamulkaasi ayaa booqasho ku jooga dalka Talyaaniga, si ay Madaxda dalkaasi kala xaajoodaan xiriirka labada dhinac.

Afhayeenka Maamulka K/galbeed, C/qaadir Maxamed Cashir “Nadaara” ayaa ka mid ah Mas’uuliyiinta ku sugan Talyaaniga, kuwaasi oo Dowladda Talyaaniga kala soo wareegi doona Qalab Warbaahineed oo ay ku deeqeen.

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Dalsan inay Maamulka K/galbeed dhawaan furan doonaan Warbaahin Idaacadeed iyo  mid Telefishin, si looga baahiyo Siyaasadda Maamulkaasi.

Qalabkaasi oo laga keenayo Talyaaniga ayaa la sheegay in lagu rakibi doono magaalladda Baydhabo, waana markii ugu horreysay oo uu Maamulkaasi yeesho Warbaahin u gaar ah.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulkaasi, Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu  booqasho cimro ah ku joogo magaalladda barakaaysan ee Maka Almukarama ee dalka Sacuudiga.

Waxa uu shalay la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Sacuudiga oo uu kala hadlay xiriirka Sacuudiga iyo Somalia, wuxuuna ka mahadceliyey Taageeradda Samafalka ee ay Sacuudiga u fidiyaan Ummadda Soomaaliyeed.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor