Talyaaniga oo ku taliyey in Tahriibayaasha Afrikaanka Xerooyin Qaxooti looga sameeyo dalalka deriska la ah Libya

Dowladda Talyaaniga ayaa ku cadaadinayso Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Europe inay qaadaan tallaabooyin lagu joojinayo Tahriibayaasha doonyaha kaga soo gudbayo Badda Mediterrean Sea, si ay u soo gaaraan Qaaradda Europe.

Haweeneyda Wasiirka Gaashaandhiga ka ah Dowladda Talyaaniga, Roberta Pinotti ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Xerooyin Qaxooti laga sameeyo dalalka xuduudka la leh Libya iyo in Faragelin Milliteri laga qaado Kooxaha dadka u soo tahriibiya Xeebaha Europe.

“Waan garanaynaa halka ay Kooxxaha dadka tahriibiya dhigtaan doonyaha iyo halka ay ku soo ururaan” ayey tiri Roberta Pinotti, oo intaasi ku dartay in uu miiska saaran yahay qorshaha faragelinta Milliteriga ee wax looga qabanayo kooxahaasi.

Hadalkeeda ayaa ku soo beegmayo, iyadoo  uu Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga, Matiyo Renzi ayaa ku taliyey in Xerooyin Qaxooti lagu hayo Thariibayaasha laga sameeyo dalalka Sudan iyo Nayjar ama meel kasta oo ka mid ah Qaraadda Afrika, iyadoo lala kaashanayo QM.

Dhinaca kale,  Hoggaamiyayaasha 28-ka Dowladood ee xubnaha ka ah Midowga Europe ayaa  lagu wadaa inay maanta Shir Degdeg ah ku yeeshaan caasimadda dalka Belgium ee Brussels, si ay uga tashadaan qorshaha wax looga qabanayo Tahriibayaasha ku le’anayo Badda.

Toddobaadkii hore, in ka badan 800 oo Tahriibayaal ah ayaa ku geeriyootay dooni ku degtay meel ka naxsan Xeebaha Libiya, iyadoo 28 qof oo keliya la soo badbaadiyey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor