Talyaaniga oo ka hadlay Qorshaha Tahriibayaasha ay Somali ka mid tahay ee u sii gudbaya Galbeedka Europe

Ra’isul-wasaaraha dalka Talyaaniga, Matteo Renzi ayaa sheegay inay Midowga Europe ka codsan doonaan in la dedejiyo sidii Xerooyin looga samayn lahaa gudaha dalka Libya, si loo xakameeyo Qaxootiga naftooda ku soo biimeynayo tahriibkaasi..

Waxa uu sheegay inaysan dalalka Midowga Europe wax badan ka qabin Talooyinka Talyaaniga, wuxuuna ku goodiyey haddii aan codsigaasi la tixgelinin inay indhaha ka qabsan doonaan xiisaddaha Tahriibayaasha ku soo qulqulayo Xeebaha Talyaaniga.

Ra’isul-wasaare Renzi waxa uu sheegay inaan wax fudud loo qaadanin Xiisadda, iyadoo ay Dowladaha Faransiiiska iyo Awstariya dib u soo masaafurinayaan Tahriibayaal isugu jirtay Somalia, Sudan, Eritrea iyo Masar, kuwaasi oo doonayey inay ka gudbaan xuduudka dalka Talyaaniga.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga iyo dhigiisa dalalka Britain iyo Faransiiska ayaa la filayaa inay toddobaadka soo socda kulan ku yeeshaan magaalladda Milan, si ay uga arrinsadaan culayska dhaqaale ee ay Dowladda Talyaaniga ku hayaan Tahriibayaasha.

Dowladaha Midowga Europe, waxay horey u sheegeen inay qeybsan doonaan 24,000 oo qaxooti ka mid ah kuwa soo gaaray dalka Talyaaniga, waxayna Dowladda Talyaaniga rajeynayaan in tiradda la kordhiyo.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Madaxda 28-ka waddan ee xubnaha ka ah Midowga Europe bishan 25-da ilaa 26-da yeelan doonaan Shirweyne looga hadlayo Qulqulka Qaxootiga.

 © Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor