Taliyihii ilaalada Gaarka Madaxweynaha oo la Bedelay

Jeneraal Ibraahim Sheikh Muxiyadiin oo ahaa taliyihii ilaalada madaxtooyada Villa soomaaliya ayaa xilkii laga qaaday, iyadoo loo magacaabay taliyaha cusub Col. Axmed Maxamed Af-cadey .

Ibraahim Sheikh Muxiyadiin ayaa hogaamin jiray ciidamada madaxtooyada, oo qaabilsan amaanka madaxweynaha, una raaca goobaha uu tagayo, si ay u adkeeyaan amaanka.

Taliyaha la bedelay ayaa si aad ah waxaa ay isugu dhawaayeen Madaxweynihii hore, waxaana mar uu soo noqday Madaxa Paratocol-ka ee Xasan Sheekh.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey isbadal ugu sameeyey Agaasimihii madaxtooyada iyo xubno kale, una magcaanay masuuliyiin cusub.

 

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media