Taliyihii hore ee Hawlgalka AMISOM oo ka digay ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya

Taliyihii hore ee Hawlgalka AMISOM, Karamire oo u dhashay dalka Uganda ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Independent ee ka soo baxa magaalladda Kampala, wuxuuna xusay inuu Aragti ahaan rumeysan yahay inay Somalia cagaha la geli doonto dhibaato hor leh, haddii Ciiddanka Uganda ee UPDF laga wada saaro gudaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Taliyihaas hore oo u dhashay Uganda oo aan fasax u haysanin inuu la hadlo Saxaafadda ayaa u sheegay Wargeyska The Independent inuu arkayo inay dhibaatooyin ka dhici karaan Somalia,marka ay Ciiddankaasi ka soo baxaan Somalia.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay Hoggaaminta Sare ee Ciiddanka Uganda dhowr jeer kula taliyeen QM iyo Midowga Afrika cabsida laga qabo haddii Ciiddanka AMISOM laga wada saaro Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay QM iyo Midowga Afrika horey uga wada hadleen Istaraatijiyadda Bixitaanka AMISOM oo bilaaban doonto bisha December ee sannadkan.

Taliye Karamire waxa kale oo uu Wareysigiisa ku sheegay haddii ay Ciiddanka AMISOM ka baxaan Somalia inay si fudud Alshabaab ugu gacan galinayaan Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale,waxa uu sheegay inaysan Ciiddanka DFS haatan u bisleyn inay la wareegaan Ammaanka, isla markaana u baahan yihiin sannooyin badan oo Tababar ah, ka hor intaysan la wareegin  mas’uuliyadaasi, waa sida uu hadalak u dhigay.

Hadalkiisa ayaa soo baxay iyadoo uu Madaxweyne Yuweeri shaaciyey inuu diyaar u yahay inuu 5,000 oo Askar dheeraad ah u soo diro Somalia, si ay uga qeyb galaan Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Haatan. Uganda waxaa Somalia ka jooga 6,700 Askari, kuwaasi oo ah Ciiddanka ugu badan ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media