Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM oo dacwad kale loo haysto

Inkastoo Taliyahaasi, Sarreeye Guuto Michael Ondogo ay Maxkamadda Ciiddamadda Uganda sheegtay in lagu waayey dembiyaddii lagu soo oogay ayaa waxa uusan weli helin xorriyadiisa shaqsi ahaaneed.

Wargeyska The Monitor ayaa maanta qoray in Taliyahaasi hore u xiran iyadoo loo haysto inuu been ka sheegay Hawlqabadkiisa muddadii uu ahaa Taliyihii Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM.

Sarreeye Guuto Michael Ondogo waxaa horey loogu soo oogay inuu ku fashilmay in la jaro korontadda AMISOM ee Xeradda Tababarka Aljazeera oo la sheegay in ay isticmaali jireen dad rayid ah iyo mid ka mid Shirkadaha Isgaarsiinta ee Somalia.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor