Taliyihii Guud ee Kooxda Hubeysan ee Axraar Alshaam ee Syria oo la dilay.

Majed Hussein al-Sadeq, killed leader of foreign-sponsored and al-Qaeda-linked Ahrar al-Sham terrorist groupTaliyahaasi oo la oran jirey Maajid Xuseen Alsaadiq ayaa lagu dilay Isqarxin xalay ka dhacday Degmadda Binish ee W/bari ee magaalladda Idlib.

Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu gudaha u galay Xarunta dhexe ee Kooxda Axraar Alshaam, kadibna uu isku qarxiyey Taliyaha Kooxdaasi, o oay la geeriyoodeen 3 Dagaalyahan.

Taliyaha geeriyooday oo lagu naanaysi jirey Islaam Abu Xuseen ayaa ahaa Sarkaal ka soo goostay Milliteriga Dowladda Syria.

Kooxda Axraar Alshaam waxaa la rumeysan yahay inay maalgeliyaan Dowladaha Turkiga iyo kuwa Gacanka Carbeed oo ay Sacuudiga iyo Qatar ugu horreeyaan.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor