Taliyihii Ciiddanka Boliska Garoonka Diyaaradaha Bosaaso oo la dilay.

TALIYIHII CIIDDANKA GAROONKA BOSAASOAskari ka tirsan Boliska Dowlad-gobaleedka Puntland ayaa la sheegay inuu dilay Taliyihii Ciiddanka Boliska ee ka hawlgala Garoonka Diyaaradaha Bosaaso, Marxum Kolonel Xasan Shire Ammaan.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan inay toogashadaasi barqanimaddii maanta ka dhacday afaafka hore ee Kontoroolka ee Garoonkaasi.

Ciiddankii ka ag dhowaa halkaasi wax fal-celin ah ma qaadin, waxayna ka baqdeen inuu saamayn kale ku yeesho dhacdadaasi.

Ma cadda sababaha rasmiga ee loo dilay Marxuumkaasi, waxaana la sheegay in Askarigii falkaasi geystay uu baxsaday.

© Radio Dalsan