Taliyihii Ciidanka Taraafikada Gobolka Banaadir oo Xilka laga qaaday

War  soo gaaray  Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in xilka qaadis lagu sameeyay taliyihii Ciidanka  ilaalada Wadooyinka  Cali Bare Xersi (Cali Gaab)

Xilka qaadista ayaa waxaa Warbaahinta u xaqiijiyey isla isaga in kastoo uusan cadeyn sababta ka dambeysa  xilka qaadista lagu sameeyey.

Wararka kale ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in uu kusime u ahaa Taliye Cali Maxamed Cali oo howlo caafimaad dalka dibaddiisa ugu maqnaa,islamarkaana xilkaas dib loogu celiyay.

Cali Gaab,oo mar soo noqday taliyaha qeybta Booliiska ee gobolka Banaadir,ayaa Wareysi uu dhawaan siiyay Radio Dalsan waxa uu ku sheegay in Ciidamada Amisom mudo 4 Sano gudahood ah ay geesteen Shan Boqol oo Shil,islamarkaana aysan sharciga ka weyneyn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media