Taliyihii Ciidamada Madaxtooyada oo xilkii laga qaaday kadib markii uu ka horyimid amarkii Hubka dhigista ilaalada Jawaari

War goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in xilkii laga qaaday taliyihii Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Jen. Axmed Maxamed Cali Afcadeey.

Xilka qaadistaas ayaa ka dambeysay sida la sheegay kadib markii uu ka horyimid amarkii hubka dhigista Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Shalay ayaa waxaa soo baxayay in Ciidamo ka mid ah kuwa ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ay la safteen gudoomiyaha Golaha Shacabka,iyaga oo qabsaday qeyb ka mid ah Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya.

Goordhow la socda Wareegatada xilka qaadista Taliyaha.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media