Taliyihii Ciidamada Booliiska Luuq oo Xabsiga loo taxaabay

Taliyihii Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Luuq ee Gobolka Gedo,Diyaad Cabdi Kaliil ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii uu Doolow u raacay Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in C/rashiid Janan uu bixiyay amarka lagu xiray Taliyihii Saldhiga Degmada Luuq, kadib markii Khamiistii qarax uu ka badbaaday Wasiirka amniga Jubbaland,kaasi oo ka dhacay duleedka Degmada Luuq.

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegaayn in sababaha ugu weyn ee loo xiray y tahay arin la xiriirta Maxaabiis dhawaan laga siidaayay Saldhig degmada Luuq.

Diyaad Cabdi kaliil ayaa waxa ay Walaalo yihiin Wasiiru dowlaha amniga Maamulka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil,waxaana lagu soo waramaya in uu ku xiran yahay Saldhig ku yaala degmada Dooloow