Taliyeyaal AMISOM Ka Tirsan oo Lagu Maxkamadeynayo Kampala

Afar taliye oo ka tirsanaa ciidamada dowlada Uganda oo ka tirsanaa howlgaladka Midowga Africa ee AMISOM, oo dhawaan dowlada ugnada ay shaqada ka joojisay sababo la xiriira werarkii deegaanka janaale ee Gobolka Shabelada hoose, ayaa lagu wadaa in lagu maxkamadeeyo Magaladda Kampala ee caasimada dalka Uganada.

Shaqo ka joojintaan, ayaa waxaa amray Madaxweynaha dalka Uganada Museveni, xili uu ka hadlayay Radiyaha ciidamada Militeriga difaaca dalkaasi, sidoo kalena Madaxweynaha ayaa sheegay in uu la yaabay sida Al Shabab ay ujabiyeen ciidamada difaaca dowlada Uganada, oo ku suganaa saldhiga uu weerarka ka dhacay.

Dhinaca kale Afayeenka ciidamada dowldda Uganada Paddy Ankunda, ayaa dhawaan usheegay wargeyska the Observer, in ay baariaano ku hayaan taliyaasha, lagu eedeyay dayicid amni.

Todobaadkaan mar ay saxafadda dalka Jaban, ay wareysi layeelatay Madaxweynaha dalka Uganda Musaveni, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in werarkaasi ay kagag geeryoodeen 19 askeri, halka la waayay lix kamid ah ah ciidamadooda kuwaasoo uusuuragal ka dhigay in ay gacanta ugu jiraa Al Shabaab.

Musaveni ayaa yiri” waxaa jirtay khaladaad ay sameeyeen askarteena, taliyaasheena waa ay hurdeen, ma aysan ka warqabin werar in lagusoo yahay”.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor