Taliye ku xigeenkii Ciidanka Booliiska G/Togdheer oo la dhaawacay

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay Magaalada burco ee Gobolka Togdheer ku dhaawacay Taliye ku xigeenkii ciidanka Booliska gobolka Togdheer Aadan Xuseen xili uu ku ugnaa Gudaha Magaalada Burco.

Maleeshiyaadkaan dhaawacay taliye ku xigeenka ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo ka Ganacsada khamriga kuwaas oo doonayay in Magaalada ay xoog ku geliyaan khamriga balse taasi uu diiday islamarkan ay keentay in ay rasaas ku furaan.

Maleeshiyadkii dhaawacay taliye ku xigenka ayaa Goobta isaga baxsaday,iyadoo ciidamada Booliiska Magaalada burco ay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayaan.

Ma jiro war faah faah san oo Ciidanka Booliska iyo maamulka gobolka ka soo baxay balse xaalada Gobolka ayaa iminka degan ka dib buuq iyo jahawareer arintan ka dhashay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media