Taliye ku xigeenka Saldhiga Bartamaha Boosaaso oo ku dhaawacmay weerarkii Caawa

Mudo laga joogo40 Daqiiqo ka hor ayaa waxaa weerar lagu qaaday Saldhigga Bartamaha oo Ciidamada Puntland ku leeyihiin Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Weerarkaas ayaa waxaa uu marka hore ku bilaawday bambaanooyinka Gacanta laga tuuro sida ay Goobjoogayaal sheegeen waxana xigay rasaas siweyn looga maqlay Aaga Saldhiga.

Weerarkaas ayaa wararka hordhaca ah ee soo baxaya ay sheegayaan in uu ku dhaawacmay taliye ku xigeenka Saldhiga la weeraray ee Bartamaha Boosaaso oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Sanweyne iyo sidoo kale Saddex ka mid ah ciidamada Puntland.

In kastoo wararkii u dambeeyay ee nasoo gaaraya ay sheegayaan in xaalada ay sidii hore ka wanaagsan tahay ayaa hadana waxaa la arkayaa Ciidamo farabadan oo ku sii qul qulaya Saldhiga Bartamaha Boosaaso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media