Taliye ka tirsanaa Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM oo lagu waayey dembiyo lagu soo oogay

Taliyihii hore ee Guutadda 11-aad ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ahaa Hawlgalka AMISOM, Gaashaanle Sare Hassan Kimbow ayaa maanta laga sii daayey Xabsiga, kadib, markii lagu waayey dembiyo lagu soo oogay.

Hadal ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Uganda ayaa lagu sheegay in wax caddaymo ah loo waayey dacwadihii lagu soo oogay Sarkaalkaasi oo muddo 10-bilood xirnaa.

Eedeysanaha ayaa horey loogu soo oogay inuu Gnaacsato Soomaali ah ka iibiyey shidaal, isagoo aan wax fasax ah ka haysanin Xiriiriyaha QM.

Balse baaritaan kadib ayaa la ogaaday inay dacwadaasi ahayd mid aan raad lahayn.

Kulan ay Xeer-beegtida Maxkamadda Rafcaanka ee Milliteriga Uganda yeesheen oo uu Madax ka ahaa ELLY Turyamuboina ayaa sheegay inay soo gebagebeeyeen dacwaddii loo haystay, laguna waayey wax dembi ah.

Turyamubona waxa uu sheegay inuu Dacwad-oogaha keeni waayey caddaymo taageerayo dembiga lagu soo oogay Kornel Hassan Kimbowa.

 Source:- Daily Nation

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor