Taliye iyo Ciiddan cusub oo ka socda Uganda oo soo gaaray Muqdisho.

Taliyaha Kooxda 18-aad ee Ciiddanka dagaalka ee dalka Uganda, Colonel Ronald Bigiriwa oo ay la socdaan Askar kale oo ka hoos shaqeynaysoayaa shalay galab ka soo degay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Ciiddanka cusub waxay beddeli doonaa Ciiddanka Kooxda 15-aad ee uu saldhigooda dhexe ku yaallo Deegaanka Carbiska ee uu Taliye u yahay Colonel Silvio Aguma, kuwaasi oo dhamaystay Hawlgal hal sanno oo ay ku joogeen Somalia.

Taliyaha Kooxda 18-aad ee Ciiddanka dagaalka ee dalka Uganda, Colonel Ronald Bigiriwa waxa uu ugu baaqay Ciiddanka inay la yimaadeen Dishibiliin, Feejignaan iyo Adeecid, isla markaana door weyn ka qaataan sidii Somalia loogu dabaali lahaa Nbaad iyo Deganaansho.

Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la sii wado Hawlgalka The Pan-Africanism, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Ciiddankiisa diyaar yihiin, isla markaana leeyihiin Tababar ku filan.

Bishii November ee sannadkii hore, Koox Ciiddamo ka socda Uganda ayaa dhamaystay xilligii ay Hawlgalka u joogeen Somalia, waxaana beddelay Ciiddanka Kooxda 7-aad oo uu Taliye u ahaa Colonel Bob Ogik.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa ah Ciiddanka ugu tirada badan Ciiddanka Afrikaanka ee ka kala socda dalalka Jabuuti, Kenya, Ethiopia iyo Burundi ee ka hawlgala gudaha Somalia.

UPDF4UPDF2UPDF5

UPDF7 UPDF8

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor