Taliye Gorod oo ka hadlay dilka Taliye ku xiggeenkii Ciidanka Badda Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa Ehelada, Ummadda Soomaaliyeed iyo Taliska Ciidanka Xoogga uga tacsiyadeeyey Geerida ku timid Taliye ku xiggeenkii Ciidanka Badda Soomaaliya,  Ex Admiral Saciid Aadan Yuusuf oo Maanta Magaaladda Muqdisho lagu dilay.

Wuxuu Alle uga baryay in uu Janadii Fardowsa uu ka waraabiyo qoyskiisa iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo, Isaggoo sheegay in uu ahaa qof karti leh,  islamarkaana lagu yaqiinay gudashada waajibaadkiisa qaran, kuna amaanay dowrkii uu qaatay intii uu nolaa.

Taliye Gorod, ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Qofkii ka dambeeyey dilka Marxuum Ex Admiral Saciid Aadan Yuusuf, waxaana uu tilmaamay in Cadaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeni doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media