Taliye Cusub oo Loo Magacaabay Gobolka Banaadir

Taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaaliya Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid ayaa isbadal ku sameeyey hogaanka ciidamada booliska ee gobolka banaadir, waxaana xil ka qaadis uu ku sameeyey taliyihii booliska ee gobolka banaadir Bishaar Abshir Geedi, iyadoo loo magacaabay Axmed Xassan Maalin oo hore xilkan u soo qabtay.

Jen. Saacid ayaa sidookale Maxamed Cumar Madaale u magacaabay madaxa hogaanka howlaha ciidanka booliska oo uu hore u hayey Axmed Xassan Maalin oo hada loo magacaabay taliyaha cusub ee booliska gobolka Banaadir.

Taliyaha cusub ee booliska oo todobaadkan si rasmi ah xilka ula wareegay ayaa sheegay inuu isbadal ku sameynayo hogaanka ciidamada, islamarkaana uu ku dadaali doono tayada ciidamada booliska Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media