Taliye cusub oo loo magacaabay Ciiddanka Khaaska ee Ammaanka Madaxda Hay’addaha QM ee Somalia

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, Nicholas Kay ayaa ammaanay Ciiddanka u dhashay dalka Uganda ee Ilaaladda Khaaska u ah Madaxda Hay’addaha QM iyo Xafiisyadda QM  ee ku yaalla magaalladda Muqdisho.

Nicholas Kay ayaa hadalkaasi ka jeediyey mar uu ka qeyb galay Munaasabadda Xil-wareejin oo uu Taiyaha Kooxda Koowaad ee Ilaaladaasi (The UN Guard Unit (UNGU One), Kolonel  Richard Walekula uu xilka ku wareejiyey  Taliyaha cusub ee qeybta Labaad ee UNGU Two), Kolonel Wycliff Ruterana Keita.

Ergayga Gaarka QM ee Arrimaha Somalia, waxa uu ammaanay Hawsha Ciiddankaasi ka hayaan Xafiisyadda QM, oo iyagu hawlgalay muddo haatan laga joogo 14-bilood.

Kooxda Koowaad ee Ilaaladaasi (UNGU One), waxay tiradooda dhamayd 410-Askari,  kuwaasi oo Somalia yimid bishii May 18-dii ee sannadkii hore.

Kooxda Labaad ee Ilaaladaasi (UNGU Two) waxay tiradood dhan tahay ilaa 530-Askari, kuwaasi oo u xil-saaran Ilaalinta Xubnaha QM iyo Wafuudda ka socda Bangiga Adduunka ee ka hawlgala Somalia.

Ciiddanka Ilaaladda Khaaska ee Madaxda iyo Dhsiamayaasha QM  ku leeyihiin Somalia ayaa waxay toos u hoos tagaan Taliska QM, waxayna ka madax bannaan yihiin Maamul ahaan iyo Xuquuq ahaan Taliska Hawlgalka AMISOM.

kay 1 kay 2 kay 3 kay 4

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor