Taliyayaasha Milliteriga ee Somalia iyo Masar oo kulan ku yeeshay Qaahira.

Taliyaha Ciiddanka Xoogga Dalka Somalia, Jeneral Maxamed Aadan Axmed oo maalmahan booqasho rasmi ah ku jooga caasimadda dalka Masar ee Qaahira waxa uu la kulmay dhigiisa dalkaasi, Jeneral Maxamuud Hijaali.

Labada Taliye waxay Kulankooda si qoto dheer uga hadleen Xoojinta Xiriirka Milliteri ee labada Waddan iyo inay Milliteriga Masar tababar iyo taageero u siiyaan Ciiddanka Qaranka Somalia.

Jeneral Maxamed Aadan Axmed waxa uu tilmaamay inay booqashadiisa muujinayso Xiriirka Wanaagsan ee labada Dowladood ee faca weyn.

Taliyaha Milliteriga Somalia, waxa uu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Milliterida Masar.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee dalkaas, wuxuna  tilmaamay  in booqashadani ay sii xoojin doonto cilaaqaadka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada wadan, isagoo xusay Masar taariikh fog oo iskaashi ciidan ah in uu kala dhexeeyo Soomaaliya.

Dhinaca kale, Taliyaha guud ee ciidanka  xoogga dalka Masar, Jeneral Maxamuud Hijaali oo ka hadlay Kulanka uu la yeeshay dhigiisa dalka Somalia, waxa uu shaaca ka qaaday inay Masar taageero buuxda ka geysan doonaan Dib-u-dhiska iyo Qalabaynta Ciiddanka Qaranka Somalia.

D B C A

©Radio Dalsan    

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor