Taliyayaasha Dowladaha ay Ciiddamaddu ka joogaan Somalia oo ka wada arrinsanayo xoojinta Hawlgalka ka dhanka Alshabaab.

Taliyayaasha Dowladaha Kenya, Ethiopia, Jabuuti, Uganda iyo Burundi ayaa ku shirsan maagalladda Nairobi, iyagoo isla meel dhigayo Qorshaha lagu dardar gelinayo Hawlgalka AMISOM, ka hor inta aan la gaarin Doorashadda Somalia ee bisha September ee sannadkan.

Taliyayaasha waxay kaloo qiimeyn doonaan Isku-xirka Hawlgalladda AMISOM iyo qaabka looga gudbi karo caqabadaha iyo Dib-u-eegista Gurmad-isa-siinta Ciiddanka ka wada tirsan AMISOM.

Madaxa Hawlgalka AMISOM, Francisco Madiera waxa uu u mahadceliyey Dowladda Kenya iyo Dowladaha kale ee Ciiddamadda ku biiriyey Hawlgalka AMISOM, si loo taageero Dowladda aan weli xoogeysanin ee Somalia.

Taliyaha Guud ee Milliteriga Kenya, Jeneral Samson Mwathethe ayaa isagana ka qeyb galayo Kulanka ay Taliyayaasha Dowladaha qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM kaga tashanayaan Qorshaha Cusub ee Hawlgalkooda.

Milliteriga Kenya oo Hawlgalka AMISOM ku soo biiray bishii Feberaayo ee sannadkii 2012-kii, waxay cabasho ka muujiyeen Khasaarihii Ciiddankooda ka soo gaaray Weerarkii ay Alshabaab bartamihii bishii hore ku qaadeen Ciiddankii Kenya ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Weerarkaasi ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Ciiddanka Kenya ka soo gaaray tan iyo markii ay Somalia soo galeen bishii October ee sannadkii 2011-kii.

©Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor