Taliyayaasha Ciidamada oo shaaciyey cida ka dambeysa baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

Shir jaraa’id oo Muqdisho ay siwadjir ah ugu qabteyn taliyayaasha ciidamada Nabadsugida,Booliska,Asluubta iyo Xoogga dalka ayaa waxa ay kaga hadleen Shaqaaqadii Maanta ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya.

Taliyayaasha ayaa waxa ay sheegeen in kulankii golaha Shacabka ee maanta uu u baaqday sababo la xiriira in ciidamo ay wateen Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa 2aad ay qabsadeen Xarunta Baarlamaanka.

Waxa ay sheegeen in ciidamada ay wateen labadaasi masuul ay ahaayeen Milateri iyo kuwo dharcad ah oo aan la aqoon halka ay ka yimaadeen,isla markaana aan ka mid aheyn talisyada ciidamada.

Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in baaritaan dhab ah ku sameyn doonaan halka ay ka tirsanaayeen ciidamadii ay wateen gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuxigeenkiisa 2aad Mahad Cabdala Cawad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media