Taliyaha Nabadsugidda Kenya oo lagu baaqay in xilka laga qaado, fashilkiisa ku aadan weeraradda Alshabaab

Barlamaanka Kenya ayaa loo gudbiyey codsi ku adaan in xilka laga xayuubiyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka dalkaasi, Philip Kameru iyo Taliyayaasha kale ee Hay’addaha Ammaanka, oo iyagu ku fashilmay inay wax ka qabtaan weeraradda ay Alshabaab ka geystaan gudaha dalkaasi.

Qoraalka loo gudbiyey Barlamaanka Kenya ayaa lagu xusay inay Sirdoonka dalkaasi ka mas’uul yihiin kororka weeraradda ka dhacayo gudaha Kenya.

Guddoomiyaha Barlamaanka Kenya ayaa la filayaa inuu xubnaha Barlamaanka ku wargeliyo Mooshinka ka dhanka ah Taliyayaasha Nabadsugidda iyo kuwa Amniga ee dalkaasi

Dhinaca kale, Taliyayaasha Hay’addaha Ammaanka ayaa lagu eedeynayaa inaysan taxadir ka muujinin Warbixinaddii Digniinaha oo ay Dowladaha Britain iyo Australia kaga digeen weeraro, ka hor intaysan Alshabaab weerarin Jaamacadda Garissa oo lagu dilay 148-qof, laguna dhaawacay 79-qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor