Taliyaha Nabad sugida Degmada Cadalle iyo ku xigeenkiisa oo is toogtay

Wararka ka imaanaya Degmada Cadalle Ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in Toogasho ay isku dileen Taliyaha Nabad sugida Degmadasi iyo ku xigeenkiisa sida Dalsan ay u sheegen Saraakiil Dowlada ka tirsan.

Ila wareedyo ayaa Radio Dalsan u sheegay in Taliyaha iyo ku xigeenkiisa ay isku qabten lacago canshuur ah oo laga qaaday gaadiidka isticmaala Degmada Cadalle.

Waxa jira warar kale oo sheegaya in khilaafka uu bilaawday muran ku saabsan khaad halkan dhacdadana ay ahayd suuq khaadka lagu iibiyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor