Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa ee loo yaqaano AFRICOM, Gen. David Rodriguez iyo ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha difaaca ee arrimaha Afrika Amanda Dory, ayaa soo gabagabeeyay safar Booqasho ah oo ay ku marayeen wadamada Jabuuti, Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Uganda.
Gen. David Rodriguez iyo Amanda Dory, ayaa intii ay safarkoodu socday waxaa ay la kulmeen saraakiil wadamadaasi ka socda, iyagoona kala hadlay sida uu yahay howgalka AFRICM iyo sida wasaarada Difaaca dalka Mareykanka ay usii wadi karto caawimaada ay sinayaan wadamada dhigooda ah si loo xoojiyo Cududa Militeriga.
“Wada shaqeynta dhinaca difaaca, waa mid kamid ah howgalladeena lama taabtaanka ah, ee Mareykanka uu ka fulinayo Qaaradda, tayada iyo aqoonta waa muhiimada wadaagida loolanada” ayuu yiri Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa ee loo yaqaano AFRICOM, Gen. David Rodriguez.
Howgalka AFRICOM, ayaa waxaa uu ka mid yahay sagaal talis oo mideysan oo Ciidamada xooga Mareykanka ay leeyihiin, waxaana si gaar ah AFRICOM, uu ugu howlgalaan ilaa dhow iyo kontonka dal ee Africa marka laga reebo dalka Masar. Waxaan budget-dkii 2012 uu ahaa $276 million.
Waxaa jira Shaki laga qabo AFRICOM
Dalalka Africa ayaa sidoo kale shaki ka muujiyey ujeeddooyinka taliskan. Mareykanku wuxuu sheegay in hadafku uu yahay mid dhowr xaglood leh, balse ay ugu muhiimsan tahay baacsiga kooxaha uu Mareykanku argagixisada u yaqaanno, iyo tababarka ciidamada dowladaha Africa, iyo waliba qabashada howlo bani’aadannimo.
Ha yeeshee howlgalkii ugu horreeya ee taliskan gacan uu ka geyto, ayaa noqday midkii uu ku baacsaday burcad-badeedda aafeysay xeebaha ku teedsan Somalia.
‘Talisku waa magac u yaal’
Qaar kamid ah dadka gorfeeya siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka, ayaa tallaabadan, ku sheegay in la qaaday iyadoo saddex bilood uun ay u harsan tahay maamulka Bush, waxa ay u arkaan in ay tahay mid siyaasada dibada wax loogu soo kordhinaayo.
Diplomaasiyiinta ayaana ujeeddada taliskan ku sifeeyey inay tahay magac u yaal.
Ha yeeshee Gen. Ward wuxuu leeyahay ujeeddada taliskeenna khalad ayaa laga fahmay. Markii horeba ma aanaan dooneyn inaan ciidamo ku asqeyno Africa, ee waxaan dooneynay inaan diyaarino talis jawaab waafi bixin kara haddii Mareykanka danihiisa la daandaansado.
Shakiga taariikhi ah
Shakiga ay dalalka Africa ka muujiyeen Taliska AFRICOM, waa mid taariikhi ah, wuxuuna salka ku hayaa gumeysigii reer Yurub ee Africa, iyo waliba xilligii dagaalkii qaboobaa, markaas oo uu Mareykanku gacan siiyey kaligii-taliyayaal xiligaasi Qaarada Joogay.
Ka sokow madaxda iyo shacabka Africa, xitaa qaar kamid ah Congress-ka Mareykanka ayaa warbaahinta u sheegay inaaney la dhacsaneyn sida loo soocay taliska AFRICOM. Iyagoo taas ka ambaqaadaya, ayuu dabayaaqadii toddobaadkii hore, wuxuu Congress-ku cad weyn ka gooyey miisaaniyaddii Taliska AFRICOM ee sanadka soo socda.