Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda oo markii ugu horreysay booqday Baraawe

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda, Jeneral Edward Katumba Wamala oo maalintii Sabtida ee la soo dhaafay booqasho ku yimid dalka Somalia ayaa waxa uu  kormeer hawleedku tegay magaalladda Baraawe oo 220-KM dhanka Koonfurta kaga toosan magaalladda Muqdisho.

Waxa uu u mahadceliyey Ciiddanka Uganda dadaalkooda ku aadan Nabadaynta somalia, isagoo sheegay inay qabteen hawlo adag.

Jeneral Wamala, waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu booqasho ku yimaado Baraawe, oo uu xusay inay mar ahaan jirtey Deegaan ay aad ugu xooganaayeen Dagaalamayaasha Alshabaab.

Guddoomiyaha Maamulka gobalka Sh/hoose, Abdulkadir Mohamed Siidii oo ka ka hadlay Munaasabadaasi ayaauga mahad celiyey Ciiddanka Uganda xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin dadka rayidka ee ku nool magaalladda Baraawe.

Wuxuuna intaasi ku daray inay Ciiddanka qiimeeyaan Odayaasha, Waxgaradka iyo Maamulka Sh/hoose oo ay ka dhexeyso wada-shaqeyn wacan.

Dhinaca kale, Jeneral Wamala oo booqsho afar maalmood ah ku jooga Somalia ayaa u kuurgalaya xaalladda ay ku sugan yihiin Askarta Ugandhese-ka ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Taliyahaasi ayaa la filayaa inuu kulamo kale la qaato Madax ka tirsan Dowladda Federalka, iyo Ciiddanka Uganda ee ku sugan Muqdisho, Carbiska iyo Ceel-jaalle.

©Warqabadka Dalsan Media

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor